Ciidamada Maraykanka oo heegan la geliyay xilli laga cabsi qabo duulaanka Ruushka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto “isku-duubni guud” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushku ka dhisayo xadka Ukraine xilli Mareykanka uu ku dhawaad 8,500 oo ciidamadiisa ah u diyaariyay dagaal iyaga oo la geliyay heegan sare, xilli ay meel adag marayso xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo milateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duulaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka.

Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas.

Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go’aan laga gaarin in ciidamadaas loo diro Yurub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor