Ciidamada Kumaandooska Danab oo sheegay in Howgallo Qorsheysan ay ka fuliyeen Sh/Dhexe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha dhexe,

Deegaanada Ciidamada sida gaarka ah howlgalka ay kaga fuliyeen waxaa ka mid ah Basro Daniga,Baalow, Buulo Xaanshooleey iyo Garas Weyne, waxaana Saraakiisha Ciidanka hor kacaysa ay  ujeedka howlgalka ku sheegeen in uu ahaa burburinta Fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaas.

Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in  degaanada ay howgalka ka sameeyen ay Al-Shabaab ku xoogganaayeen, sidoo kalena ay ku laahayeen fariisimo waa weyn waa sida ay hadalka u dhigene.

Saraakiisha Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay ayna sii socon doonaan Howgallada qorsheysan ee ay Ciidanku sameeyaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor