Ciidamada Itoobiya oo qorsheynaya weeraro cusub oo ka dhan ah Jabhadda Tigray

Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah caasimadda Tigray

Jeneraal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadu ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan magaalada Mekelle, ee caasimadda gobalka Tigray.

Jeneral Abebaw Tadesse ayaa sheegay in aysan wax wada xaajood ah la gali doonin fallaagada TPLF ee halkaa ku sugan .

Bishii la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku baaqay dib u heshiisiin Qaran, hayeeshee Jeneraal Abebaw Tadesse ayaa sheegay in aysan wax wada-hadal ah la geli doonin Jabhadda hubeysan ee Tigray

Ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda Tigray ayaa waxaa horey u  dhexmaray dagaalo lagu hoobtay oo ay ku dhinteen kummanaan Askari oo ka kala tirsan labada dhinac, sidoo kalena ay dhaceen duqeymo lagu dilay Askar iyo dad shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor