Ciidamada Itoobiya oo dib Tigreega uga qabsaday Magaalooyin hor leh

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreega.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigreega ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Waxaa muuqata in Ciidanka ay dib ula wareegteen magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor