Ciidamada Haramcad iyo kuwa Duufaan oo xalay howlgal Dad lagu qabtay sameeyay

Ciidanka Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Haramad iyo kuwa Duufaan ee NISA ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo saacado socday ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay baaritaano ugu sameeynayeen guri guri xaafaddaha degmada Kaxda, iyagoona Ciidamada la arkayey iyaga oo galaya guryaha, si ay u baaraan.

Ciidanka Haramcad iyo kuwa Duufaan ayaa goob barxad ah isugu geeyay dhalinyaro farabadan oo lagu soo qab-qabtay howlgalka, isla markaana baaritaano ku sameeyay dhalinyarada qaarkood, halka badankoodana lasii daayey.

Guddoomiyaha Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sameeyay in ujeedka howlgalka laga sameeyay degmada uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijinayo amniga degmada, lagana hortego wax kasta oo amni darro.

Isaga oo dhalinyarada lagula hadlaayay goob barxad ah ayaa waxaa uu u sheegay in muhiim ay tahay nabadgalyada, isla markaana ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga degmada Kaxda, lana soo sheego cid kasta oo wada falal amniga lid ku ah.

Ciidanka Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Haramad iyo kuwa Duufaan ee NISA ayaa habeenadii lasoo dhaafay howlgalo lagu soo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ka sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor