Ciidamada Ethiopia oo lagu eedeeyey inay xasuuqeen 83 maxaabiis oo Tigray ah

Warbixin uu daabacay wargeyska caaanka ah ee Washington Post ayaa muujinaysa in ciidamo Ethiopian ah oo ilaalinayey maxaabiis iyo dadka shicib ah oo ku sugan qaar ka mida magaalooyinka yaryar ee Ethiopia inay bishii November ee sannadkii hore inay laayeen illaa 83 maxbuus oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo lagu hayey xero ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Ethiopia.

Warbixinta ayaa dhacdadan ku tilmaantay inay ahayd mid ka mida dilalkii ugu dhimashada badnaa ee loo geysto qaar ka mida maxaabiista ciidamada Tigrayga, tan iyo intii ay colaaduhu ka bilaabmeen dalkaas.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dilalkan oo aan hore loo shaacin in la geystay bishii November 21-keedii ee sannadkii 2021, waxaana dilalkaasi ay ka dhaceen xero u dhow magaalada Mirab Abaya, halkaas oo lagu hayey in ka badan 2000 oo askari oo Tigray ah oo la soo xidhay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay wargeyska Washington Post, in 16 illaa 18 ka mid ah ilaalada xeradaasi inay rasaas ku fureen maxaabiista, gelinkii dambe ee maalintaas, taasoo keentay in qaar badani ay u cararaan dhinaca duurka ama kaymaha, waxaana eryaday ciidamada dalka Ethiopia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor