Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kala dhex galay Beelo ku dagaallamay gobolka Galgaduud

Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa kala dhex galay Labo Malleeshiyo Beeleed oo ku dagaallamay degaanka Balli-cad  oo dhaca xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa booqday degaannada lagu diriray, markii ay Ciidamada Qaranku la wareegeen degaannada lagysku hayo, waxaana la filayaa in ay goobta gaaraan Odaasha dhaqanka ee Beelaha ay dirirtu dhex martay si loo kala qaado Malleeshiyaadkii dagaallamay.

Dagaal Maalin ka hor ka dhacay Balli-cad ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 15 Qof oo ka tirsan Labada djinac, iyadoo tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Waa markii ugu horaysay oo ay Ciidamada Dawladda Soomaaliya halkaas gaaraan tan iyo wixii ka dambeeyay 1983-dii, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen Odayaasha degaanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media