Ciidamada Dowladda oo la wareegay Kontoroolo ay ku sugnaayeen malleyshiyaad

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan Maamul Goboleedka Galmudug ayaa la wareegay Kontoroollo ku yaallay Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana gacanta ku haayay  Kontorooladaas Malleyshiyaad isbaarooyin sharci darro ah ku haystay.

Ciidamo uu hoggaaminayo  Taliyaha Booliska Sldhigga Guriceel  Cismaan Cali  Hudeey ayaa la wareegay goobahaas sida la sheegay , waxana Ciidanku ay ka yimaaden Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Malleyshiyaadka ku sugnaa Goobaha Ciidanku la wareegeen ayaa dhibaato ku haayay bulshada Degmada, waxaana ay inta badan dhibateyn jireen Gadiidka ku safra waddadaasi, iyagoo la sheegay in ay ka qaadi jireen lacago baad ah.

Waxaana tiro dhowr jeer ah cabasho ka muujiyay Wadayaasha gaadiidka ee ka shaqeeya inta u dhaxaysa Maamulada Hir-shabellee iyo Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media