Ciidamada Dowladda oo Howlgallo Qorsheysan ka fuliyay degaan ay dhawaan la wareegeen

Faah faahinno dheeraad ay ayaa laga helayaa Howgalloqorsheysan oo Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saaka ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada ayaa howlgaladaasi ka sameeyay Deegaanka Ceel-Muluq oo shalay ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen dagaal la’aan, waxaana howlgalladaasi ay haayeen kuwo Ciidanku ay  guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya deegaanka iyo kuwa ka baxaya ay ku baarayeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howl-galka uu yahay xaqiijinta amniga iyo in laga hortago waxkasta oo dhib keeni kara.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howl-galada ilaa iyo inta ay kala wareegayaan Ruun-Nirgood oo ah deegaanka kaliya ee Al-Shabaab kaga hareen gobolka.

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, kaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada.

Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor