Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay waddo muhiim

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay wadada dheer ee xiriirisa deegaanka Deynuuney iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in wadada howlgalka la sameeyay lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ee halkaas ku safra, isla markaana ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad dheere) oo ka warbixinayay howlgalka Ciidamada ayaa sheegay in wadada ay ku sugnaa jireen Al-shabaab, laguna dhibaateyn jiray shacabka.

Taliye Maxamed Nuur Maxamed ayaa Ciidamada qeybta 60-aad iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed kula dardar-may inay sii wadaan howlgalka ka socda deegaanada Maamulka.

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka waday deegaano kala duwan oo ka tirsan Maamulkaas, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor