Ciidamada Dowladda oo fuliyay howlgal lagu soo saaray Miinooyin

Ciidamada Kumaansoorka DANAB ee Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada  dowladda iyo Jubbaland ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada Dhaay-cabdow Mayoonde & Buula-kuusow, iyagoona inta uu socday howlgalka kusoo saaray miinooyin lagu aasay wadada.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in miinooyinka ay dhulka lagu aaseen Al-shabaab, isla markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka iyo dadka safarka ah.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in inta uu socday howlgalka uu iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab, uuna jiro khasaaro ka dhashay, in kastoo aysan faah faahin.

Howlgalka ay sida wadajirka ah u fuliyeen Ciidamada ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalin kahor uu dagaal xoogan Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku dhexmaray deegaanka Baar-sanguuni, kadib markii halkaas ay Shabaabka weerar ku qaadeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor