Ciidamada dowladda oo Alshabaab kala wareegay deegaano ay maamulayeen

Ciidamada Dawladda fedraalka Soomaaliya Oo iskugu Jira Nabad Sugid Iyo Booliis Ayaa Saaka gaaray  deegaannada Qaayib, Cadakibir Iyo Dhuumoodle Oo Dhammaantood Ka Tirsan Gal-Gaduud.

Ciidamada ayaa la Kulmay Bulshada Dhammaan ee deegaannada ay Saaka Gaareen Waxa ayna Kala Hadleen Sidii Ay Dawladda iyo maamulka Galmudug ay ula shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamadan hor kaceysay ayaa bulshada deegaannadaasi Waxa ay u ballan qaadeen in aysan Jirin Doonin Dhibaatooyin Dambe oo kala Kulmi Doonaan Al-Shabaab oo iyagu horay deegaannadaas Uga Qaadi Jiray Waxa ay ugu yeeraan saka-Waatka.

Deegaannada ay Ciidamadu Saaka Tageen Ee Qaayib, Cadakibir Iyo Dhuumoodle Ayaa Waxaa horay ugu Sugnaa Dagaallamayaal kaTirsan Al-Shabaab hase’ahaatee Saaka iskaga baxeen.

Ciidamadan ayaa Saqdii dhexe Ee xalay waxa ay gaareen Magaalada Baxdo Ee Gobolka Gal-Gaduud kuwaas oo ugu Dambeen Saaka Uga sii Gudbay Deegaannadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media