Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo gudaha u galay degaanka Camaara

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo ku Daraawiishta Galmudug ayaa barqanimadii Maanta gudaha u galay deegaanka Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidanka dowladda ayaa markii hore weerar ku qaaday goobo ay Al-shabaab kaga sugnaayeen tuulooyin ku dhow deegaanka Camaara, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan lagu isku adeegsaday.

Ciidamada qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay Camaara oo la wareegay, isla markaama waxaa la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Al-shabaabkii ku sugnaa, ayna si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada.

Weli si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhacay, mana jiro faah faahin ay bixiyeen Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada huwanta oo isugu jiray Milateri, DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidamada ay howlgal miino baaris ah ka wadaan deegaanka Camaara ee koonfur Gobolka Mudug, waxaana la tilmaamay in Ciidanka ay ku wajahan yihiin magaalooyin hor leh.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ka dhacayay dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana xusid inay halkaas ka dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah oo khasaaro kala duwan geystay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor