Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Halhambe oo u dhow deegaanka dhanaane ee Gobolkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa caawa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Halhambe,kadib markii Dagaalamayaasha Al Shabaab ay isaga baxeen Deegaanka.
Sidoo kale Al Shabaabkii kabaxay Halhambe ayaa waxa ay gaareen deegaanka Garab-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dad deegaanka Halhambe ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya markii ay qabsadeen Deegaanka ay rideen Madaafiic culus.
Deegaanka Halhambe ay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa ah deegaan ay degan yihiin dad xoolo dhaqto ah,iyadoona Caano laga soo qaado Deegaanka la keeno Magaalada Muqdisho si loogu iibiyo.
Xaalada Deegaanka Halhambe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa hadda degan kadib markii Caawa ay wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.