Ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Alshabaab ku dhexmaray gobolka Gedo iyada dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro

Dagaalkaan ayaa yimid kadib matkii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Buudhuubo ee gobolka Gedo iyada oo la isku adeegsaday hub culus.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus socotayna saacado oo labada dhinac ay Isku adeegsanayeen,waxaana dagaalka guulo ka sheegtay saraakiisha Melatariga ee dowladda

Taliyaha Amniga degmada Buurdhuubo ee gobolkaa Gedo oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen dagaalamayaasha Shabaab isla markaana ay sii ogaayeen weerarka Shabab khasaarana ay gaarsiiyeen.

Dhinacooda ayuu tilmaamay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray,Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro noocaan oo kala ah ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media