Ciidamada dowlada oo Muqdisho ku toogtay rag hubeysan

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku toogay Nin hubeysnaa,iyagoo mid kale ku dhaawacay Suuqaasi.

Waxaa la sheegay in Ninka hubeysnaa Ciidamada ay toogteen xili uu ku sugnaa meel ku dhow Masjika Xareed ee Suuqa Baraaraha,isla markaana dhaawacay mid kale oo ku labisnaa dareeska Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in Raggan dilka iyo dhaawaca loo getsya uu yimid kadib markii ay dhac u geyteen qaar ka tirsan ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho uu sidaas falkan u dhacay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ruuxa la dilay iyo midka dhaawaca ah  loo qaaday Xarunta dambi baarista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmahan Magaalada Muqdisho ka waday howlgalo amniga lagu xaqiijinayo,

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor