Ciidamada Dawladda oo Toogasho Ku Dilay Wiil La Dhashay Taliyihii hore ee NISA

Maxamed Abuukar Tuuryare oo la dhashay taliyihii hore ee hayádda Nabadsugida Generaal Tuuryare aya saaka Ciidamada dawladda ku dileen isgoyska Siinaay

Maxamed oo ahaa ardey dhiganayey jaamacad sanadki u dambeeyey aya ku noolaa guriga taliyihi hore waxaaan marki la tooganayey uu sagootinayey eedadiis oo saaka safar u aheyd Degmada Ceeldheer sida ehelada qaar u sheegeen Radio Dalsan .

 

Taliyihi hore ee NISA aya bartiisa facebook so dhigay tacsida Maxamed isagoo sheegay inuu uga xanuun badanyahay geerida curudkiisa maadama uu korinayey oo uu la noolaa ilaa bilawga noloshiisa  waxuuna  sheegay in geerida Maxamed uu Aad uga naxay

 

 

Dhinaca kale, Askarigii dilkii geystay waxaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, iyadoo maydka Marxuumka loo qaaday Xarunta Dembi-baarista Boliska ee CID-da.

dilalka askarta ay geystaan ayaa waayadan caadi ka ahaa magaalada Muqdisho

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media