Ciidamada Booliiska oo Maanta xiray qaar ka mid ah Masaajidada Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa booliiska Soomaaliya ayaa maanta xiray qaar ka mid ah Masaajiddada Magaalada Muqdisho xilli dadka intiisa badan ay isu diyaarinayeen in ay dukadaa. salaadda Jimacaha.

Maamulada Masaajidada ayaa lagu amrayay in ay xiraan halka dadka salaadda iskusoo diyaariyayna lagu wargelinayay in ay iskaga tagaan Masaajidka sababo la xiriira caabuqa Corona oo dad badan ay dunida ugu dhinteen Soomaaliya dhowr kiis la xaqiijiyay.

Masaajidada qaarkood Jameecada iyo Askrto fulinaysay amrkaas ay Isku dhaceen,waxaana la xiray badi Masaajidadii maanta ay tageen ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Dhinaca kalana warar soo baxaya ayaa sheegaya in la amray Milkiilayaasha Maqaayadaha in ay xiraan goobahooda Ganacsi iyada oo laga baqdin qabo in dadku si fudud ay ku kala qaadaan caabuqa Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media