Ciidamada Amniga oo Xabsiga dhigay Qoys Gurigooda laga helay Meydka Wiil dhalinyaro ah

Saakay waaberigii ayay aheyd markii meel u dhow Guri ku yaalla agagaarka Saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir laga helay Meydka Wiil Dhalinyaro ah.

Hayeeshee dadka deegaanka ayaa Ninkaasi waxa ay ku sheegeen inuu ahaa nin u dhacay Guri ku yaalla halka laga helay Meydka,sidaasina Nin Guriga deganaa uu ku dilay.

Warar dheeraad ah oo haatan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska Soomaaliya ay Xabsiga dhigeen Qoyska Gurigooda laga helay Meydka Wiil dhalinyaro ah.

Hay’adaha amniga ayaa baaritaano ku haya sida rasmiga ah ay u dhaceen dilka wiilkaasi dhalinyarada ah,waxan jirta in dadka ku nool agagaarka Saldhiga Booliska Yaaqshiid ay sheegeen inuu Guriga u dhacayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor