Ciidamada amniga oo Qarxiyay Miino lagu aasay waddo ku taalla Muqdisho

Ciidamada Amniga ee dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa maanta qarxiyay Miino lagu aasay nawaaxiga beerta Qaadka ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliya dhame Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay idacada dalsan ayaa sheegay in ay ku howlgaleen xogo muhiim oo ay u soo gudbiyeen shacabku isla markaana ay miinadaas qarxiyeen iyada oo aan cidna wax ku noqon.

Intii uu socday howlgalka Miinadaas lagu qarxinahay ayaa waxaa hakad galay Isku socodka gaadiidka iyo dadka,iyada oo goobaha ganacsi ee ka agdhow dadkii lahaa ay iskaga fogaadeen.

Dhinaca kalana Afhayeenka ciidanka boliiska ayaa sheegay in ay soo afjari doonaan Miinooyinka Alshabaab ay ku aasaan waddooyinka ee inta badan khasaaraha geysta.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Miino ay la kacday gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah isla matkaana ay dad badani ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen dadkaas oo dhammantood ahaa hal qoys.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media