Ciidamada Amniga oo la wareegay ammaanka Deegaan ay ku dagaalameen dad Reer Guuraa ah

Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ayaa kala dhex galay dad reer guuraa ah oo dagaal culus ku dhex mareen maalmihii la soo dhaafay deegaano Galbeedka kaga beegan Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwa Nabadsugida iyo Ciidanka Booliiska oo gaarey deegaanka Kaxandhaalle oo ah halka dagaalka ugu culus ka dhacay ayaa amnigiisa waxa si rasmi ah ugu wareegay ciidanka kumaandooska Soomaaliyeed ee GorGor.

Ciidamada ayaa hadda ku hawlan dejinta qorshihii lagu kala rari lahaa maleeshiyaadka dagaalku dhex maray oo wali ku sugan aagag aan ka fogeyn goobihii dirirtu ku dhex martay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor