Ciidamada ammaanka Puntland oo xalay fuliyay howlgal Dad lagu soo qab-qabtay

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgal qorsheysan oo amniga lagu sugayo ka sameeyeen xaafaddaha magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka la fuliyay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa xaqiijinta amniga Magaalada iyo sidii looga hortegi lahaa falalka la xiriira amni darrada ee dhaca iyo wax kasta oo keeni kara arrimahaas.

Inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, Hoteelada guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni darro ee magaalada ka dhaca.

Taliyaha Qeybta Boolisla Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga Booliska magaalada, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayaa Taliyaha iyo Ciidmada waxay bulshada ka wareesanayeen amniga iyo in ay jiraan kuwo dhibaato u geeysta shacabka, wuxuuna G/Sare Xuseen Cali Maxamud shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Si kastaba Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaado Xarumo iyo Saldhigyo Ciidan, waxaana inta badan falalkaas sheegta Al-shabaab iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor