Ciidamada ammaanka oo fashiliyay qarax miino oo lagu aasay Heliwaa

Ciidamada NISA, booliska iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay Degmada Heliwaa, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka.

“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya AS”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA

Ciidama Amniga Amaanka Soomaaliya ayaa dhowr mar waxa ay howlgallo ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,waxaana dhowr bil kahor ay fashiliyeen miino lagu aasay agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee Gobolkan Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor