Ciidamada ammaanka Hindiya oo Xabsiga dhigay dad badan oo Muslimiin ah

Ciidammada ammaanka ee waddanka Hindiya ayaa waxa ay xoog ku galeen dhismayaal ay leeyihiin koox Muslimiin caan ah, waxaana ay xabsiga u taxaabeen in ka badan boqol qof, kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaad.

Howlgalladan ka dhanka ah kooxda Popular Front of India (PFI) ayaa waxaa laga fuliyay todoba gobol oo ku yaal waddanka Hindiya.9
Waa tallaabadii labaad ee ka dhan ah kooxdaasi oo uu boolisku qaaday muddo ka yar todobaad.
Hay’adda qaran ee baaritaannada ee Hindiya ayaa PFI waxa ay ku eedaynaysaa inay xagjir ka dhigto dhalinyarada ayna deganaanshiyo la’aan ka dhex abuurto dadka haysta diimaha kala gedisan ee dalkaasi.

Hasayeeshee taageerayaasha PFI ayaa waxa ay howgallada kooxdaasi lagu baacsanayo ku tilmaameen ugaarsi ay waddo dowladda Hinduga ee uu hogaamiyo xisbiga BJP.

PFI ayaa waxa ay sheegeen inay ka shaqeeyaan xuquuqda Muslimiinta iyo bulshooyinka kale ee la xagaldaaciyo ee ku nool Hindiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor