Ciidamada AMISOM oo Looga Digay Xasuuuqa Dadka Shacabka ah

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM, BAHAME TOM NYANDUGA oo haatan booqasho Hawleed ku joogo magaalladda Muqdisho ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu la kulmay Madaxda Sare ee Hawlgalka AMISOM.

Kulankooda ayaa qeyb ka ah Wada-tashiyadda socda ee Xuquuqda Aadanaha  ee Daneeyayaasha Somalia iyo Hawlgalkiisa 5-aad ee uu ku yimid dalka Somalia.

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, BAHAME TOM NYANDUGA waxa uu Madaxda AMISOM kala xaajooday qoddobo waa weyn, o oay ku jiraan Tallaabooyinka AMISOM ee lagu xoojinayo Sharuucda Caalamiga iyo Xuquuqda Adaanaha iyo Isla-xisaabtanka Askarta AMISOM ee xad-gudubka ka geysta Hawlgalladda Milliteri ee ay u joogaan Somalia

Dhinaca kale, Khabiirka waxa uu ku bogaadiyey Hawlgalka AMISOM sida ay u xoojinayaan Xuquuqda Adaanaha iyo Kaalinta adag oo ay ka qaataan Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Xoojinta Sharciga iyo Kala-dambaynta.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media