Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay 5 Ruux oo lala xiriirinayo Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay howlgalo xoogan ay ka wadaan deegaano ku yaala inta u dhaxaysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burde.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inta ay socdeen howlgaladaan lagu soo qabtay ilaa iyo Shan qof oo lala xariirinayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Sargaalkaan ayaa sheegay in howlgaladaan haatan ay wali socdaan isla markaana qorshuhu uu yahay in Shacabka laga duqlqaado Al-Shabaab,isla markaana looga saaarayo deegaanada ay maamulaan.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobalka Hiiraan howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada qaar ee xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor