Ciidamada Ahlusunna Waljameeca oo Maanta la wareegay degaano hor leh

Ciidanka Ahlusunna Waljameeca ayaa Maanta oo Jimco ah la wareegay gacan ku heynta deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ciidanka Ahlusunna ayaa dagaal la’aan la wareegay deegaanada Afcacaag, Dhagaxya-weyn iyo Jiif xaraare ee Galgaduud, isla markaana waxaa la sheegay inay halkaas isaga baxeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa.

Saraakiisha Ahlusunna ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalku sii socon doono ayna ku wajahan yihiin deegaano cusub, waxaana Ciidamada la howlgalaya rag maleeshiyaad ah oo kamid ah dadka deegaanada Maanta lala wareegay.

Ciidamada Ahlusunna oo dib loo abaabulay ayaa jimcihii lasoo dhaafay la wareegay gacan ku heynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay Magaalada isaga baxeen Ciidankii Maamulka Galmudug ee horey u joogay.

Sidoo kale Ciidanka Ahlusunna Waljameeca ayaa qabsaday deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxaana Gobolka kasoo cusboonaaday xiisad u dhexeeya Ahlusunna iyo Galmudug.

Si kastaba xal rasmi ah ayaan weli laga gaarin xiisada labada dhinac, isla markaana waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xaliyo xiisada Ahlusunna iyo Galmudug, waxaana dadaalada wada Xildhibaano iyo xubno kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor