Ciidamada Ahlusunna oo dagaal la’aan la wareegay Magaalada Guriceel

Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gacan ku heynta Magaaladaas ay la wareegeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay.

Ciidanka Ahlusunna ayaa dagaal la’aan qabsaday inta badan Gariceel, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay ee Maanta oo Jimco ah ay isku uruursanayeen deegaano ku dhow Magaaladaas, iyagoona la wareegay.

Ciidankii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug ee ku sugnaa Magaalada ayaa isaga baxay, waxaana Saldhiga iyo Xarunta degmada ku sugan Ciidanka Ahlusunna Waljameeca oo wata gaadiida nooca dagaalka iyo Ciidamo hubeysan.

Boqolaal dadweyne oo taageersan Ahlusunna ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada, iyagoona soo dhaweeyay Ciidankaas, isla markaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin qabsashada Ahlusunna.

Goobaha Ganacsiga ayaa xiran, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Guriceel ay sheegayaan in Magaaladaas laga cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna.

Shalay ayey markii dagaal khasaaro geystay uu labada dhinac ku dhexmaray degaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan qabsashada Ahlusunna ee Guriceel.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor