Ciidamada amamanka oo xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Magaalada Kismaayo

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa habeenimadii xalay aheyd waxaa ay howlgalo ballaaran oo socday saacado dhowr ah ka sameeyay xaafaddaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Maamulka ayaa howlgalka ku baarayey guryo bartilmaameed u ahaa oo ku yaalla xaafaddo ka tirsan Kismaayo, iyagoo sidoo kale baaritaano kala duwan ku sameeynayey dadweynaha saaraan gaadiidka xalay marayay waddooyinka Magaalada.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxaa ay Ciidanka amniga su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dhalinyarada iyo dadka kale, waxaana la sheegay in howlgalka lagu qabtay dad looga shakiyay inay wadeen falal amniga liddi ku ah.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane) ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka laga sameeyay Magaalada Kismaayo uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Sidoo kale Afhayeen Jaamac Axmed Joofane ayaa tilmaamay in laamaha amniga Maamulka ay ka hortegi doonaan wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda, wuxuuna sheegay in howlgalada noocaan oo kale ay sii socon doonaan.

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo doorashada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona laamaha amniga ay sheegeen in la xoojinayo sugida ammmaanka.