C/raxmaan C/Shakuur oo shaaciyay Arrimo looga bixi karo xaaladdo ka jira dalka

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda ee muddo xileedkoodu dhammaaday ay dalka ka abuureen jawi cakiran oo keenay kala aamin bax iyo kalsooni darro.

C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in muhiim ay tahay in helo dib u heshiisiin siyaasadeed oo lagu dhisay kalsooni iyo is aaminad.

Musharax Madaxweyne C/raxmaan ayaa waxaa uu tilmaamay in xaaladdo badan oo ka jira dalka Soomaaliya looga bixi karo oo kaliya in la dhiso dowlad la aamino oo aan laga shaki qabin, dowlad la wada leeyahay oo aysan qolo ama koox gooni ah laheyn.

“Colaadda, cudurka, abaarta,, gaajada, qaxa iyo amni darrida waxaan uga bixi karnaa; waa dowlad danta guud ka shaqeysa oo dadka baahiyahaas ka haqabtirta. Is la dhiso dowlad la aamino oo aan laga shaki qabin, dowlad la wada leeyahay oo aysan qolo ama koox gooni ah laheyn, dowlad ciidankeeda la ixtiraamo ee aan laga cabsan, dowlad danta guud ka shaqeysa ee dan gaar ah ku maqneyn” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale waxaa uu Qoraalkiisa intaas uu kusii daray “Si dowladdaas loo dhiso waxaa muhiim ah in la helo dib u heshiisiin siyaasadeed oo kalsoonida iyo is aaminadda lagu dhiso”.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa xusay in la isla ogolyahay in afartii sano mar in la qabto doorasho si nabad ah ku dhacda, isla markaana taas ay qeyb ka aheyd dib u heshiinta siyaasadeed ee dalka “Rajiimka muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu abuuray jawi cakiran oo keenay kala aamin bax iyo kalsoonida darridii oo badatay”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor