CC Shakuur oo ka hadlay xaaladda Baladweyne eed Culusna u jeediyay MD farmaajo

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame  ayaa ka hadlay Xiisadda siyaasadeed eek a taagan Gobolka Hiiraan, waxaana uu eed kulul u jeediyay Dowladda Soomaaliya, isagoo si gaar ah ugu eedeyay Madaxweyne farmaajo in uu Bulshada Hir-shabeelle iska horkeenay.

Waxaa uu intaa ku daray in Hoggaanka dawlada Federaalka uu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle.

Qoraal uu soo saaray CC Shakuur ayuu baaq ugu diray bulshada Gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay in lagama maamr maan ay tahay in la wada hadlo oo danaha Bulshada Hir-Shabeelle laga shaqeeyo.

Hoos ka aqriso Qoraal CC Shakuur

Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray. Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.

Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa in uu meel uga soo wada jeestaa sidii looga hortegi lahaa fidnada maamulka muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media