CC. Shakuur oo fariin culus u diray Madaxweyne Farmaajo

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Wasrsame oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa fariimo culus u diray madaxweyne Farmaajo kuwaas oo ku wajahan khudbadda uu maanta ka hor jeedinayo Kalfadhiga ugu dambeeya muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya.

Marka Madaxweynaha ayuu u xasuusiyay in uu heysto fursaddii ugu dambeysay ee baarlamaanka uu ku hortagayo madaamada uu dhamaanayo mudda xileedka madaxweynaha iyo kan baarlamaanka muddo 8-bilood ahna ay a hartay.

Waxa uu yiri “waxaa igu maqaalo ah in kalfadhiga Baarlamaanka furayso. Waxaan ku xusuusinayaa in ay fursaddani tahay tii ugu danbeysay ee aad Baarlamaanka ku hortimaaddo, maadaama uu yahay kalfadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanku yeesho. Haddaba Madaxweyne waxaa kula gudboon in aad indhaha kala furto, xaqiiqda ka sheegto xaalka dalka, dhabta wajahdo, dhinac iska dhigto dhalanteedka, garawshiyo ka bixiso guuldarradii, gaabiskii iyo gaboodfalkii dhacay.

C.Cshakuur ayaa tilmaamay in muddo  (8) biloo ah ay ka hartay muddo xileedka Madaxweynaha  isaga oo sheegay in Shacabka ku dhageysan doona Madaxweynaha aysan sugi doonin ballanqaad wax qabad, ama ku faan wax aad soo qabatay taasna wey ka daaleen, Waa la wada ogyahay inaad taallooyin dhistay, dayactirtayna Golihii Murtida iyo Madaddaallada, Garoonkii Ciyaaraha ee Muqdisho iyo Matxafkii Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad ka hor jeedinaya baarlamaanka Soomaaliya isaga oo la filayo in uu uga hadli doono arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabihii u qabsoomay dowladda muddadii ay shaqeynaysay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media