Carruur walaalo ah oo Maydkooda laga helay Baydhaba

Wararka ka imaanaya Maagalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku warramaya in Saaka dadka degaanka ay kusoo waaberiisteen dhacdo naxdin ku abuurtay bulshada ku dhaqan  Magaaladaasi, kadib markii laga helay Magaalada maydka   labo carruur ah oo walaalo ah.

Warar ka aan helayno ayaa sheegaya in  Samiira iyo Iiman oo ahaa labo caruura oo walaalo ah Maydkooda lasoo dhigay Magaalada, waxaana la sheegay in carruurta la weysanaa tan iyo shalay, iyadoo ehelada carruurtaasi ay baadi goob ugu jireen ilmahaasi.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya falkaasi naxdinta leh ee Baydhabo ka dhacay, waxaana wararka qaar ay sheegayan in carruuta kalyaha lagala babaxay kadibna Maydkooda la iska soo tuuray, halka warar kale oo aan helnay ay tibaaxayaan in carruurta oo mayd ah la helay.

Carruurta ayaa waxa dhalay sida la sheegayo Xildhibaan hore  Aweys Abdullahi oo si weyn looga yaqaanno gudaha Magaalada baydhabo, walina ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga iyo maamulka Magaalada, oo ay kaga hadlayaan dhacdadaasi naxdinta leh ee Baydhabo ak dhacday.

Magaalada ayaa waxaa horay uga dhacay falal arga-gax leh oo carruur loo gaystay, waxaana horay Magaalada lagu faraxumeeyay wiil aad u da’yar, iyadoo dhacdadaasi ay noqotay mid bulshada qaybaheeda kala duwan ay si weyn kaga xumadeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor