Caqabad soo wajahday Shacabka Soomaalida ee u kala safra Soomaaliya iyo Kenya

Ganacsatada iyo Shacabka Soomaalida ee u kala safra dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa bilihii u dambeeyay wajahayay caqabado dhanka safarka ah, kaddib markii uu hakad ku yimid dal-ku-galka Kenya.

Arrintan ayaa waxaa ay si gaar ah u saameysay dadka ku safra baasaboorka Soomaaliya, ee u socdaalaya dalkan Kenya.

Kuwani ayaa waxay isugu jiraan kuwa dalka Kenya u yimaada arrimo ganacsi, caafimaad, waxbarasho, dalxiis iyo siyaabo kale.

Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ah labo dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dhibaatada dadka Soomaaliyeed ka heysata dal ku galka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor