Cali Guudlaawe oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka,Taliyaha Madaxtooyada Hirshabeelle,Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, Saraakiil ka socotay Taliska Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Ciidamada Danab ee Deegaanada Hirshabeelle iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixino uga dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amniga isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo adkeynta amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Caasimada Jowhar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor