Cali Guudlaawe oo saxiixay miisaaniyadda 2022 ee maamulka  Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xalay saxiixay miisaaniyadda maamulka Goboleedka Hirshabeelle ee 2022 oo hore uu u  ansixiyey Golaha Wasiirada, ayna meelmariyeen Golaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ee sida xilkasnimada leh u gutay waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa ansixinta Miisaaniyadda cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka Hirshabeelle oo dadaal ku bixisay diyaarinta iyo jaangooynta miisaaniyadda Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor