Cali Guudlaawe oo Labo sano kadib ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Caawa ku dhawaaqay Galahiisa Wasiirada, kuwaasi oo ka kooban 81 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 27 Wasiiru Dowle.

Cali Guudlaawe Xuseen muddo labo sano ah oo uu Xilka hayay waxaa sii shaqeynayay Wasiradi uu Magacaabay Madaxweynihii ka horreeyay isaga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la doortay dhammaadkii sanadkii 2020. Waxaana muddadaas shaqeynayay Wasiiradii Maamulkii Madaxweyne Waare, waxaana xusid mudan in ay jirtay isku shaandheyn uu ku sameeyay Wasaaradaha, iyadoo Xilalka loo kala beddalay qaar ka mid ah Wasiirda maamulkaaasi.

HOOS KA AKHRISO WARQADDA MAGACAABISTA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor