Cali Guudlaawe oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Ali Gudlawe Hussein oo howlo shaqo u joogo Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Raisul Wasaarihii Hore ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirkii hore ee Amniga Xilibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

kulankaan ayaa looga hadlayay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka.

Raisul Wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe Xuseen ku bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta ah ee uu u maamulay doorashadii aqalka sare ee ka dhacay Magaalada Jowhar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor