Cali C/laahi Cosoble “Baarlamaanka hadda jooga haloo sameeyo muddo kordhin hal sano ah”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaaahi Cosoble ayaa baaq u diray dowladda federaalka iyo Musharixiinta Xilka Madaxweynaha, waxaana uu ugu baaqay in aan dalka la galin Jahawereer Siyaasadeed.

Cosoble ayaa ku baaqay in la kala qaado doorashada Xildhibaanada iyo midda  Madaxweynaha, waxaana uu sheegay in ay habboon tahay in doorashada Xildhibaanada dib loo dhigo, isla markaana dib loo dhigo doorasha Xildhibaanada, sannad kaddibna la soo doorto xildhibaannada ayadoo aan la isku heysan kursi madaxweyne.

“Si buuqa siyaasadda iyo jahawareerka ka jira dalka loo qaboojiyo waxaa ila haboon in la kala qaado doorashada madaxweynaha iyo doorashada xildhibaannada. Baarlamaanka hadda jooga ha loo sameeyo muddo kordhin hal sano ah. Ha doorteen madaxweyne, sannad kaddibna ayadoo aan la isku heysan kursi madaxweyne ha la soo doorto xildhibaannada” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabulaahi Cosoble.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media