Cabdirashiid Janan oo kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Waxaa goordhaweyd Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka  qaranka Fahad Yaasiin oo uu weheliyo wasiirkii amniga Maamaulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in diyaarad gaar ah ay kasoo qaadday labadooda Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

C/rashiid Janan oo Muqdisho ka baxsaday horaantii sanadkii 2020 ayaa hadda  Muqdisho imaanaya, isagoo heshiis la gaaray dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in Muqdisho lagu dhameystiro heshiiska labada dhinac, lana kulmo Madaxweyne Farmaajo.

Horay Duleedka degmada Beled-xaawo ayaa shalay si weyn loogu soodhaweeyay Cabdirashiid Janan, waxaana soodhaweyntiisa ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor