Cabdirashiid Janan oo beeniyay inuu baxsad ka yahay Dowladda Federaalka

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu ka baxsaday gacanta dowladda, uuna ka baxay heshiiskii lala galay.

Cabdirashiid Janan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee ahaa inuu baxsad ka yahay dowladda, isagoona been abuur ku tilmaamay inuu fakaday.

Waxaa uu sheegay inuu ka guuray oo kaliya Gurigii uu ka deganaa degmada Cabdicaiis gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Taliska NISA, isla markaana uu u wareegay xaafad kale, taasina aysan aheyd inuu khilaaf kala dhexeeyo Madaxda dowladda.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Janan ayuu Carabka ku dhuftay in dalka xiligaan uusan u baahneyn Colaad, isla markaana diyaar u aheyn inuu mucaarad ku noqdo dowladda, uuna weli ku taagan yahay go’aankiisii horey.

Sidoo kale Cabdirashiid Janan ayaa tilmaamay in Ciidankii la socday ee ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ay yihiin Ciidamo uu ku wareejiyay dowladda Federaalka, ayna wixii xuquuq ah leeyihiin heli doonaan.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, isla markaana uu u tartamayo kursiga sumadiisu tahay Hope 116.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor