Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare

Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhaweyd lagu doortay kursigii ugu horreeyay ee Senatorada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ergada doorashada Somaliland ayaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi mar kale u doortay inuu kamid noqdo Senatorada Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana lagu doortay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey.

Cabdi Xaashi ayaa helay Codad gacan taag ah oo gaaraya 44 Cod, 2 Ergo ayaa ka aamusay, wuxuuna sidaasi ku noqday Senatorkii ugu horreeyay ee Gobolada Waqooyi ee la doortay, isagoo uu la tartamayey Musharax Siciid Cumar Xuseen oo tanaasulay.

Doorashada kursiga labaad ee Senatorada Somaliland ayaa bilaabatay, isla markaana waxaa ku tartamaya Wasiirka Dastuurka Xukuumadda xilgaarsiinta Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Doorashada ka socota Teendhada Afisyooni ayaa waxaa goobjoog ka ah Ergada doorashada ee lasoo xulay, Guddiga maamulaya doorashada, Guddiyo ka kala socda kuwa doorashooyinka heer Federaal, Musharaxiinta iyo Mas’uuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor