Cabdi Xaashi oo ka digay inay Doorasho qabtaan Garabka Mahdi Guuleed

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta ka hadlay khilaafka u dhexeeya Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sheegay inuu maqlayay warar sheegaya in Guddiga u magacaabay ee garabkiisa lagu eedeeyay inay yihiin talo diid oo kasoo horjeedan heshiis, hayeeshee wuxuu sheegay in aysan talo diid aheyn oo ay yihiin xal doon.

Cabdi Xaashi oo ka hadlaayay Munaasabad Maanta la qabtay ayaa tilmaamay in Guddiga doorashada Somaliland garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay doonayaan inay qabtaan doorasho u gaar ah, iyada oo xal laga gaarin khilaafka ka dhex jira Guddiga.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in haddii garabka Mahdi Guuleed ay qabtaan doorasho, iyaguna ay qaban doonaan doorasho, isla markaana Guddigiisa ay soo saari doonaan Xildhibaanada Somaliland ku matelaya Baarlamaanka.

”Anagu xil doon ma nihine xal doon baan nahay,haddii ay dhacdo wararka suuqa ku jira ee ah in cidi ay doorasho qabsaneyso adinkaa xaq u leh inay wax doortaan,ogaadana inaan anaguna doorasho qabsaneyno” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Si kastaba khilaaf xoogan ayaa weli ka dhex jira Guddiga doorashada Somaliland, iyagoona u kala jabay kala garab oo ay kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi guuleed, waxaana Guddiga uu kala doortay laba guddoon, mana jiro xal laga gaaray khilaafka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor