Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo ka heshiiyay Khilaafkii Doorashada Somaliland

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ka taagnaa doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada heshiiyeen in lasoo afjaro khilaafkii ka taagnaa doorashada kuraasta Somaliland.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ku heshiiyay in la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha maamulaya doorashada kuraasta Somaliland ee Garabyada siyaasadeed ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi ayaa isla gartay in lasoo afjaro iskooxeysigii iyo abaabulkii u dhexeeyay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirgelinta doorashada Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa waxaa ka dheexeyay khilaaf in muddo ah soo jiray oo ku aadan doorashada kuraasta Somaliland, waxaana xusid mudan in mar heshiis laga gaaray khilaafka, wallow mar kale uu soo laabtay, kadibna sababay in laba Guddoon ay kala doortaan Guddigii doorashada Somaliland.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor