C/raxmaan C/Shakuur “Waa in uu Magdhow ka bixiyo RW Kheyre dadkii lagu laayay Baydhabo Sanadkii hore”

Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay Safarkii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku tegay Magaalada Baydhabo.

C/raxmaan Cabdi shakuur oo War qoraal ah kusoo qoray bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Reer Koonfur Galbeed ay uga fadhiyaan inuu magdhaw ka bixiyo dadkii sanadii hore ee 2018 lagu laayay Magaalada Baydhabo xiligii ay socdeen ololaha Doorashadii Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay inay fuliyaan balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay si wadajira ah u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaaa in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wadajira u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka”ayuu yiri C/raxmaan C/abdi Shakuur.

Dabayaaqda Bishii December ee 2018 ayay aheyd markii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay,kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac,isla markaana ka dhashay Xarig loo geystay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,kaasi oo xiligaa ahaa mid kamid ah Musharaxiintii Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media