C/raxmaan C/Shakuur oo War kasoo saaray dad lagu rasaaseyay Baladweyne

Sigaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay rasaas Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku fureen dad shacab ah oo banaanbax ka dhigaayay Magaalada Baladweyne.

C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayuu ku Cambaareeyay falkii Ciidamada ay ku rasaaseeyeen dadkii banaanbaxa ka waday Baladweyne, kuwaasi oo Maanta rasaas ay ku rideen Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.

Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayuu Siyaasiga ugu baaqay inay ka fogaadan in adeegsado awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa Alle Caafimaad u weydiiyay dadkii ku dhaawacmay rasaastii lagu furay, xili ay dhigayeen banaanbax looga horjeeday dhismaha Maamulka Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe.

“Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo. Shacab dibad baxaya oo la xabadeeyo waa danbi hirgalay intii uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in Ciidanka AMISOM ay ka amar qaataan Madaxweynaha” ayuu CC Shakuur.

Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay rasaastii Ciidanka amniga Baladweyne ay u adeegsadeen kala eryinta dad halkaas ka waday banaanbax rabshado watay, isla markaana la xiray qaar kamid ah dadkii banaanbaxayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media