C/raxmaan C/Shakuur oo ka hadlay hadalkii RW Kheyre ee A/Doorashada dalka

Siyaasiga Cabdiarxamaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee uga hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ka dhacaan dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in muhiim ah ay tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho nabad ah, isla markaana ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaana arrintaas soo dhaweeyay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Qoraal uu soo saaray  C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay inuu soo dhaweeynayo hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in la qabo doorasho xiligeeda ku dhacda la isku raacsan yahay.

“Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada.” Ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu tilmaamay inuu bogaadinayo fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Golihiisa  Wasiirada ugu baaqay inay u diyaar garoowaan sidii ay dalka uga dhici laheyd Doorasho nabad ah, isla markaana waxaa uu Golihiisa Wasiirada faray inay ka qeyb qaatan Doorashada 2020/21.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media