Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay qaraxii shalay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle,kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Balcad.
C/raxmaan C/Shakuur ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyada ee Gobolka Sh/ Dhexe marxuum Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabeelle marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale marxuum Xasan Baldoos,kuwaasi oo ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay deegaanka Gololey oo ku yaalla inta u dhexeysa Jowhar iyo Degmada Balcad.
“Runtii waa arrin murugo iyo xanuunkeeda wadata, sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale ay Al-shabaab duleedka magaalada Balcad ku dileen xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilawle, Xildhibaan Daahir C/lle Mukhtaar, iyo Gudoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle Muuse C/lle. Dhamaantood Allaha u naxariisto”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur
Sidoo kale Madaxda dowlada Soomaaliya ayuu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir in talada dalka la wareegtay iyadoo waddada Muqdisho iyo Jowhar isku xirta ay nabad tahay.
“Waa masuuliyad darri in maalin kasta masuuliyiin jidka lagu laayo, dawladduna ay iska fiirsato oo aysan waxba ka qaban, waxna ka soo qaadin. Waxaan ka dalbaneynaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay xil iska saaraan wax ma qabashada amni dari ee wadadaas ka taagan, muujiyaana dareen masuuliyadeed oo xilka ay hayaan u qalma”ayuu sii raaciyay halkiisa C/raxmaan C/Shakuur.