Buuq iyo fowdo hareeysay kulan Maanta u socday Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa kulankii 19-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha waxaa ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kulankaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ajendaha kulanka oo ahaa la xisaabtanka Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa hor-yimid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga caalamiga ah, Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Intaas kadib ayaa kulanka Baarlamaanka waxaa hareeyay buuq iyo fowdo oo teentay in Xildhibaano ka tirsan Maamulka ay isaga baxaan Xarunta uu kulanka ka socday, isla markaana uu sawaxan laga dareemay halkaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hakiyey fadhiga sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ka dib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Xildhibaan habsami u socodkii Shaqada Golaha.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa codsaday in saxaafadda bannaanka looga saaro kulan, iyaga oo sheegey in doonayeen in ay u gudbiyeen cabasho ay ka qabeen hoggaanka Golaha, hase Guddoomiyaha ayaa ka diiday, sidaasina uu buuqa ku bilowday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media