Burcadda Internet-ka oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Maraykanka

Dhammaanteen waan aragnaa codsiyo noogu soo dhaca kumbuyuutarrada iyo telefoonnada oo nalooga dalbanayo in “Update ama cusbooneysiin diyaar tahay”, lana doonayo in aan ku dhufanno si uu u soo dago.

Dhowr isbuuc xilligaas ka hor ayey shirkaddaas laga leeyahay Mareykanka bartilmaameedsadeen burcadda internet-ka, waxaana u suuragashay in ay qalabkooda ku dhex daraan hannaanka cusbooneysiinta software-keeda.

Markii uu qalabka weerarka loo isticmaalayay toddobaadyo ku dhex jiray kumbuyuutarrada dadkii isticmaalayay adeegga ayaa mar qura lagu jabsaday xogta hay’adaha dowladda, kuwa tiknoolojiyadda iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ku kala yaalla Waqooyiga Ameerika, Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media